Milateriga Israel oo saacado gudahood ku dhowaad boqol shacab ah ku dilay Gaza

Ugu yaraan 91 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil ee Gaza 24-kii saac ee la soo dhaafay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee halkaas ku sugan, taasoo tirada guud ee dhimashada ka dhigaysa ku dhawaad ​​34,000 oo qof.

7dii Oktoobar ee sanadkii hore Ilaa 18-kii Abriil, ugu yaraan 33,970 falastiiniyiin ah ayaa la dilay halka 76,770 kale ay ku dhaawacmeen weerarada Israel.

‘Human Rights Watch iyo Oxfam ayaa bishii hore ku eedeeyay Israa’iil in ay fulisay “weeraro aan kala sooc lahayn oo aan loo meel dayin oo xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah.

Ugu yaraan 10 qoys, oo ay ku jiraan shan carruur ah oo da’doodu u dhaxayso saddex ilaa 16 jir, ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo ka dhacay xaafad ku taal Rafah, koonfurta Gaza, sida uu sheegay cisbitaalka maxalliga ah.

Hooyada qoyska Ayyad ayaa wali la la’yahay sida uu ku waramayo Maamulaha Isbitaalka Abu Youssef Al-Najjar, muuqaal laga sii dayey CNN ayaa muujinaya qaraabadooda oo ku dul ooyaysa meydka marxuumka oo ku duuban maro cadcad.

Dadka la dilay ayaa dhowr jeer laga barakiciyay xaafadda Al-Zaytuun, ee magaalada Gaza, Weerarka kadib, qaar badan oo caruur ah ayaa la helay meydkooda, halka qaar kale la la’yahay, sida ay qaraabada u sheegeen.

Duqeymo kale oo dhanka cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay magaalada Rafah ayaa waxa lagu dilay sideed qof oo ka soo jeeda hal qoys, sida uu sheegay wariye u shaqeeya CNN oo soo xiganayay mas’uuliyiinta isbitaalka.

Duqeynta ayaa ka dhacday xaafadda Al-Salam ee dhanka koonfureed ee Rafah.

Meydadka dhibanayaasha – oo dhamaantood ka tirsan qoyska Ayyad, oo ka soo barakacay magaalada Gaza ee dhankeeda waqooyi ee go’doonka ah.

Sideeda qof ee la dilay ayaa waxaa ku jiray shan caruur ah, sida ku cad liiska uu bixiyay sarkaal ka tirsan isbitaalka.

– Advertisement –