Maxay yihiin xubnaha uu Wareegtada ku Magacaabay Madaxweyne Deni?

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne LR. 81, 06-da December 2022, Kuna saabsan magacaabid labo xubno ka tirsan Guddiga Sare ee Maamulka Garsoorka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay : Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo waayo aragnimadooda Shaqo.

Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Wuxuu Xeeriyey:

  1. Waxaa Garyaqaan Suleymaan Sheikh Cabdullaahi Maxamuud loo magacaabay xubin Guddiga sare ee maamulka Garsoorka.
  2. Waxaa Garyaqaan Cabdiqani Mire Xirsi loo magacaabay xubin Guddiga sare ee maamulka Garsoorka.
  3. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleDal lugaha kula jira dagaal weyn oo dalal ay Soomaaliya ku jirto ugu deeqay..