Maxay Soomaaliya ka faa’iideysaa ka mid noqoshada Dallada EAC? (Akhriso afar qodob)

Dowlada Somalia ayaa sheegtay in la aqbalay codsigeedii rasmiga ahaa ay ku dooneysay ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC), taasoo ay ugu qalinka ku duugeen Madaxda dalalka ku mideysan dalladan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ansixinta codsigooda ku aaddanaa ku biiridda EAC.

Xassan Shiikh ayaa ku tilmaamay arrinkan tallaabo wanaagsan oo ka tarjumeysa hor u socodka dowladnimada Soomaaliyeed iyo mira-dhalka qorsheyaasha qaran ee ku aaddan soocelinta doorka dalkeennu uu ku lahaa gobolka.

“Faa’iidooyin dhaqan-dhaqaale, amni iyo siyaasadeed ayuu dalkeennu ka dhaxlayaa ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC)” ayuu yiri Xassan Shiikh.

Hoos ka akhriso afar qodob oo Soomaaliya ka faaiideyso ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous article(Sawirro) Biden oo dhulka ku dhacay xili uu ka qeyb galayey xaflad qelin jebin ah