Maxay ka wada hadleen Gudoomiye Aadan Madoobe iyo dhigiisa Mustafa Şentop?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Turkiga, Mudane Mustafa Şentop.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa dhigiisa dalka Turkiga kala hadlay xiriirka saaxibtinimo ee Ka dhaxeeya labada baarlamaan.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in la wada xoojiyo xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa adkeeyay in la sii laba jibaaro wadashaqeynta labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Turkiga, Mudane Mustafa Şentop ayaa dhankiisa ku amaanay dowlada Somalia guulaha ay ka gaartay dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab, wuxuuuna xusay in dowlada iyo shacabka Turkiga ay garab taagan yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleMid ka mid ah dalalka Yurub oo sharci daro ka dhigay in la gubo Qur’aanka kariimka