Maxaa ka soo baxay kulankii madaxweynaha Puntland iyo taliska ciidamada difaaca?

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ay weheliyaan guddi la-taliyaal ah oo u qaabilsan arrimaha difaaca iyo dhismaha ciidamada ayaa maanta booqday taliska 54-aad ee ciidamada difaaca Puntland.

Madaxweynaha iyo la-taliyaashiisa uu dhowaan u magacaabay arrimaha difaaca iyo dhismaha ciidamada ayaa kulan gaar ah la yeeshay taliska ciidamada difaaca Puntland.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in  dhammaan hawlihii ciidamada iyo maamulka miisaaniyadoodii lagu wareejiyay taliyaha cusub ee Daraawiishta Gen. Abshir London.

Kulankaas ayaa sidoo kale lagu go’aamiyay in hadda kadib wixii dhismaha ciidamada ku saabsan ay ka wada-shaqeeyaan taliyaha cusub ee Daraawiishta iyo la-taliyaasha madaxweynaha ee dhinaca difaaca.

PUNTLAND POST