Maxaa ka jira in Faransiiska ciidamo u direen dalka Ukraine, si ay Ruushka ula dagaalaan ?

Warbaahinta reer Galbeedka qaarkood ayaa si weyn u baahiyay wararka sheegaya in ciidamo ka socda dalka Faransiiska ay gaareen dalka Ukraine, kuwaa oo taageero siinaya ciidamada dagaalka kula jira milatariga Ruushka.

Ciidanka Faransiiska ee la geeyay dalka Ukraine ayaa la sheegay in ay gaarayaan 1,500 askari oo aad u hubeysan, waxaana jira warar sheegaya in ay jiraan ciidamo kale oo Faransiiska iyo dalal kale qorsheeyeen in ay u diraan dalka Ukraine.

Warkan ku aadan in dowladda Faransiiska ciidamo u direen dalka Ukraine ayaa si weyn ugu baahay caalamka, waxaana tallaabadan si weyn uga carrootay dowladda Ruushka oo durba si deg deg ah ugu yeertay safiirka Faransiiska u joogay Moskow.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Faransiiska ayaa si adag loogu beeniyay warkan la baahiyay, waxa ayna Faransiiska sheegeen in aysan jirin wax ciidan ah ay u direen dalka Ukraine ee dagaalku ka socdo.

Dowladda Ruushka oo ka carrootay ciidamada la sheegay in Farandiiska u direen ayaa si deg deg ah ugu yeertay danjiraha Faransiiska u jooga Muskow Pierre Levy , waxaana danjiraha su’aalo laga weediyay jiritaanka ciidanka Faransiiska u direen Ukraine.

Madaxweynaha dalka Faransiiska ayaa horey u sheegay in ciidamo u dirayaan dalka Ukraine, haddii ay milatariga Ruushka soo jabiyaan ciidamada Ukraine ee dagaalka xooggan kula jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –