Markab Dagaal oo Ruushka lahaa oo la weeraray lana bur buriyay iyo Khasaaro ka dhashay

Markab dagaal oo dowladda Ruushka leedahay ayaa lagu weeraray laguna bur buriyay badda madow, waxaana markan weeraray diyaarado nuuca aan duuliyaha laheyn oo dowladda Ukraine leedahay.

Wra kasoo baxay dowladda Ruushka ayaa lagu xaqiijiyay in mid kamid ah maraakiibtooda dagaalka la bur buriyay, weerarkan ayaana ka dhacay habeenkii Isniinta  Dekadda Feodosia ee Crimea oo Ruushku uu horey u qabsaday.

Wasaaradda difaaca ee dowladda Ruushka ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in markabka nuuca dagaalka ee Novocherkassk ay diyaaradaha Ukraine ku weerareen gantaalo la hagayay, waxa ayna gantaalahasai bur buriyeen markabka .

Guddoomiyaha gobolka Crimea ee Ruushka heesto, ayaa xaqiijiyay in weerarka markabka dagaalka lagu bur buriyay uu  ku dhintay hal qof, waxaa sidoo kale jira khasaaro kale oo ka dhashay markabkan la weeraray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –