Marka Caqligu Shaqayn Waayo!

Wakhtiyo badan, liiska musharixiinta ee doorashooyinka ayaa lagu dara magcyo xubno yaab leh. Xubnahaasi oo haddana khilaaf  ka taagan yahay.

Waxa adag inaad rumaysato in liiska magacyada musharaxiinta doorashooyinka lagu daray marar badan magacyada xayawaanka qaarkood, kuwaasi oo ka qayb gelaya doorashada, ma aha kaftan, laakiin waa arrin xaqiiqo ah.

 

Mid ka mid ah gobolada yaryar ee Washington, oo lagu magacaabo Milton, ayaa sanadkii 1938 markii uu muran ka dhacay gudoomiyaha magaalada qofka noqonaya heshiisna ay ka  gaadhi waayeen xisbiyada qaarkood ayay soo sharaxeen xayawaanka Baqalka, taasi oo liiska murashixiinta lagu daray magaciisa oo Kenneth Simmons.

Baqalka ayaa kaga guulaystay dadkii kula tartamayay jagada mayorka ka dib markii ay taageereen xisbiga mucaaridka ah oo soo sharaxay.

Baqalku Waxa uu jagada ku guulaystay isagoon aan garanayn taagerayaashiisa iyo dadkii u galay ololaha kaambaynka ah. Dadka reer Barasiil ee iyana degana magaalada Sao Paulo, ayaa doortay Wiyil inay u noqoto maayar waxaana ay sheegeen in dadkii waxba ka qaban kari waayeen xaalada magaalada. Sidaa awgeedna si loo hagaajiyo xaaladda magaalada, gaar ahaan tan dhaqaale oo aad u xun inay wax ka qabato. Waxaana sabab u ahayd in Wiyishaasi ay doortaan ka dib markii ay ku heshiin waayeen inay isku raacaan , Hal musharax, waxaana ay keentay arintani inay isku raaceen inay sharaxaan xayawaankaasi. Marka caqligu Aadamigu shaqayn waayo waxa ay ka liitaan xoolaha iyagoo dhibtooda xalkeeda ka raadiya meel aan ka helayn.