Mareykanka oo ka carooday go’aan ka soo baxay Hogaanka dowlada Sudan

Mareykanka ayaa ka carooday sii deynta nin u dhashay dalka Sudan oo wajahayay xukun dil ah kadib markii lala xiriiyay dil uu u geystay 15 sano ka hor diblumaasi kasoo jeedo Mareykanka.

Mas’uuliyiinta Sudan ayaa sheegay in Isniintii la sii daayay Cabdel-Ra’uuf Abu Zaid oo lagu helay dambi ah in uu dilay John Granville iyo darawalkiisii Abdul Rahman Cabaas.

Waxaa diblumaasiga iyo darawalkiisa toogtay dabley islaamiyiin ah xilliggii loo dabbaaldegayay curashada sanadkii 2008.

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa beenisay in sii deynta ninkan ay la xiriirtay kadib markii labada dal ay heshiis ka gaareen arrintaas.

Sidoo kale sheegtay Wasaaradda waxay dhibsatay caddaalad darrada ka dhanka ah hanaanka sharciga ah ee loo maray sii deynta ninkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleDagaalyahano ka soo goostay Al-shabaab oo isku dhiibay ciidanka DF ee Xarardheere (Sawirro)