Man United Oo Qirtay Khalad Ku Aadan Frenkie de Jong

Agaasimaha kubadda cagta Manchester United John Murtough ayaa lagu Soo waramayaa in ay uuu aqbalay in ay khalad ahayd in ay Man United muddo dheer ku raad joogto saxiixa xiddiga Frenkie De Jong oo ay ahayd in ay kooxdu wakhti hore oo suuqa ah isaga hadho hadii ay heli wayday saxiixiisa.

Man United ayaa xagaagii oo dhan lala xidhiidhinayay saxiixa xiddiga De Jong iyaga oo Barcelona xitaa kala heshiiyay saxiixa xiddiga laakiin xiddiga ayaa diiday in uu ku biiro Old Trafford.

Red Devils ayaa ugu dambayn dareenkeeda u jeedisay saxiixa xiddiga Casemiro kaas oo ay kala soo wareegtay Real Madrid kuna xoojisay khadka dhexe ee kooxdeeda.

Murtough ayaa la rumaysanyahay in uu u duulay Barcelona laba jeer in uu De Jong ugu qanciyo in uu yimaado Old Trafford iyada oo Erik Ten Hag u doonayay bartilmaameedkiisa 1-aad.

Laakiin sida laga soo xigtay ESPN, Agaasimaha ciyaaraha Man United ayaa qirtay in ay ahayd in ay Man United isaga hadho baacsiga xiddiga bilowgii suuqa xagaaga.

Xiddiga 25 jirka ah ee De Jong ayuu 4 sano uga dhimanyahay heshiiskiisa Barcelona waxana uu doonayay in uu sii joogo kooxda Barcelona.