Man United Oo Calaamadsatay Badalka David De Gea.

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay u dhaqaaqdo goolhayaha Atletico Madrid Jan Oblak xagaaga soo aadan.

David de Gea ayaa weli ah goolhayaha koowaad ee kooxda, laakiin qandaraaskiisa Old Trafford ayaa dhacaya bisha June ee soo socota, waxaana jira warar la isla dhexmarayo oo ku saabsan mustaqbalkiisa fog ee kooxda.

Man United ayaa la sheegayaa in ay qorshaynayso in ay heshiis hal sano ah ka saxiixato xiddiga 31 jirka ah kaas oo uu ku sii joogi doono ilaa xagaaga 2024.

Laakiin waxa su’aal laga keenay awoodiisa qaab ciyaareed ee tababare Erik Ten Hag kaas oo doonaya in uu Goolhayihiisu kubada halka dambe ka ciyaaro.

Sida laga soo xigtay Jeunes Footeux, Red Devils ayaa Oblak u aqoonsatay inuu yahay saxiixa ugu fiican xagaaga soo aadan, iyadoo goolhayaha Atletico loo arko bedelka De Gea.

Wararka ayaa sheegaya in ay Man United diyaar u tahay in ay 29 jirka u laba jibaarto mushaharka uu haatan Atletico Madrid ka qaato sanadkii oo ah 18 milyan oo euro.