Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan sagootin ah la qaatay Catriona Lainga

Madaxwaynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah la qaatay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Lainga oo soo gaba-gabeysay shaqadii diblumaasiyadeed ee ay ku joogtay Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyey Danjire Catriona Lainga, doorka ay ka qaadatay iskaashiga dowlada federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ee taageerada dowlad dhiska, nabada, amniga iyo arimaha binu aadannimo.

Dhankeeda Catriona Lainga oo Madaxweyna uga mahad-celiysay kulanka ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta ay ku guda jirtay gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Bishii May ee sanadkii hore (2023) ayaa Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres wuxuu Catriona Laing oo u dhalatay dalka Ingiriiska u magacaabay in ay noqoto ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya iyo madaxa xafiiska Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

PUNTLAND POST