Madaxweyne Erdogan oo sheegay in Israel ka mas’uul tahay xiisadda Bariga dhexe

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu iyo madaxda kale ee Israa’iil oo keliya ay mas’uul ka yihiin xiisadaha ka soo cusboonaaday Bariga Dhexe.

Waxa uu sheegay mar uu shir jaraa’id ku qabtay magaalada Ankara kadib shir ay yeesheen golaha wasiirada, “Israa’iil waxa ay isku dayaysaa hurinta colaad gobolka, weerarkeeda safaaradda Iran ee Dimishiqna waxa uu ahaa dhacadaii ugu dambeysa” ayuu yiri Erdogan.

Waxa uu intaa ku daray in isku dhacyo cusub oo gobolka ay suurtagal tahay ilaa iyo inta “arxandarrada iyo xasuuqa” ay ka socdaan Gaza, wuxuuna ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay ku dhaqmaan si caqli-gal ah.

Waxa uu sidoo kale ku dhaliilay reer galbeedka inay cambaareynayaan weerarka Iran oo aysan cambaareyn weerarkii Israa’iil ay ku qaaday safaaradda Iran.

PUNTLAND POST