Madaxweyne Deni weli ku jaah-wareersan shaacinta liiska wasiiradiisa cusub

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa weli awoodi la’ in uu ku dhiirrado shaacinta liiska golihiisa wasiirada ee cusub.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in madaxweyne Deni uu saacadihii u danbeeyay ilaa saddex jeer isbeddel ku sameeyay liiskii uu diyaariyay ee golihiisa xukuumadda.

Siciid Deni ayaa wajahaya cadaadis xooggan oo kaga imaanaya dhinaca beelaha oo ku loollamaya wasaaradaha muhiimka ah iyo sidoo kale shakhsiyaad saamayn ku leh diyaasadda Puntland.

Madaxweynaha ayaa markii dib loo doortay 8 Jan 2024 awoodi waayay in uu wakhtigii dastuuriga ahaa ku soo dhiso xukuumadda waxaana Baarlamanku ugu kordhiyay mudda 30 cisho oo dheeri ah.

Lix beri oo keliya ayaa hadda ka harsan 30-kii cisho ee Baarlamanka Puntland u ogolaaday in uu ku soo dhiso xukuumadda waxaana lagu wadaa in uu 28 Feb ka hor shaaciyo liiska cusub.

PUNTLAND POST