Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy oo sheegay inay gargaar Qamadi ah u soo dirayaan Soomaaliya

Madaxweynaha Dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in ay hadhuudh/qamadi tan-kiisu gaarayo 28,600 metric tons ay todobaadyada soo socda gaarsiin doonan dalka Soomaaliya.

Kaalmada ayuu Madaxweyne Zelenskyy ku sheegay inay uga qeybqaadanayaan badbaadinta dadka macluusha iyo gaajada u dhimanaya iyadoo xaalada Soomaaliya ee abaartana aad looga deyriyay.

Dalka Ukraine waxaa ka socda dagaalo lagu hoobtay oo qeybo badan oo dalkaas ka mid ahna lagu burburiyay ka dib markii ay soo weerareen ciidamada Ruushka.

Dalkan waxaa ka barakacay dagaalada intii ay socdeen dadka badan 11 million oo ruux sidoo kale 5kun oo rayid ahna waxaa lagu dilay dagaalka ruushku dalkaas ku qaaday 24 febraayo 2022.

Hadalka madaxweyne Volodymyr Zelenskyy ayaa yimid iyadoo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu ku eedeeyay reer galbeedka inay u soo diraan inta badan hadhuudhka dekedaha Ukraine ee dib loo furay.

Horseed Media