Madaxweynaha Puntland oo maanta ku sii jeeda Muqdisho

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Muqdisho sida ay wararku xaqiijinayaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa lagu wadaa in uu kaga qayb-galo Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran oo gelinka danbe ee maanta ka furmaya Muqdisho.

Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada oo uu weheliyo Gobolka Banaadir ayaa Shirkan kaga arrinsanaya Xaaladda Siyaasadeed tan Dhaqaale iyo midda Amni ee dalka.

PUNTLAND POST