Madaxweynaha Puntland oo dhammaan hawlihii dib u-habaynta Ciidamada ka wareejinaya Wasiir Xasan Abgaal

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu saaka booqdo Taliska 54-aad ee Ciidamada difaaca Puntland oo ku yaalla duleedka waqooyi ee caasimadda Garoowe.

Wararku waxay sheegayaan in Madaxweynuhu goob-joog ka noqon doono munaasabad gaar ah oo dhammaan hawlihii Ciidamada looga wareejinayo guddigii dib u-habaynta Ciidamada Puntland.

Guddigaas oo uu hoggaaminayay Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Abgaal ayaa mudadii Xukuumaddu jirtay u qaabilsanaa dib u-habaynta iyo Tira-koobka Ciidamada.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu kulan xasaasi ah la yeesho Taliska guud ee ciidamada difaaca Puntland oo ay weheliyaan hoggaannadiisa kala duwan.

PUNTLAND POST