Madaxwaynaha JSL oo Lacag Hal Milyan oo Dollar ah ugu Deeqay Dhismaha Dekedda Lughaya

Boorama (Dawan) Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa qadar lacageed oo dhan hal Milyan oo Dollar ugu deeqay dhismaha Dekeda Lughaya, oo wakhti hore la dhagax dhigay.

Madaxweynihii sadexaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo kulan laqaatay bulshada gobolka Awdal ayaa ugu bushaareeyay in la dhisayo Dekeda Lughaya, oo uu intaasi raaciyay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu amray in qasnada Dawladda looga saaro dhismaha Dekeda Lughaya lacag dhan 1 Milyan oo Dollar.

Daahir Rayaale Kaahin ayaa waxa uu jeebka ka soo saaray warqad uu sheegay inay ay tahay amarkii Madaxyne Muuse Biixi Cabdi ee lacagta uu ugu talogalay dhusmaha Dekeda Lughaya.

Madaxweynihii sadexaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa bulshada gobolka Awdal ugu baaqay in ay keenaan wixii ay ku darsanayaan dhismaha Dekeda Lughaya, si ay u noqoto mid uu dhismaheedu horgalo.

Kulanka uu Madaxwaynihii sadexaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale uu la qaatay labeenta gobolka Awdal ayaa ahaa mid uu u soo jeedinayo wixii talo ah ee uu u hayo bulshadaasi, waxaanu, madasha uga soo jeediyay sooyaalka taariikheed ee Somaliland iyo maraaxilkii kala duwanaa ee la soo maray, waxaanu ugu baaqay inay ka fogaadaan dad raba inay ku ciyaaraan nadaba Somaliland iyo wada jirkeeda.

Daahir Rayaale Kaahin Madaxwaynihii sadexaad ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa uga digay bulshada gobolka Awdal inay dhagaystaan dadka ku baaqaya in Soomaaliya la tago, waxaanu is barbar dhig ku sameeyay kaalinta ay reer Awdal kaga jiraan Somaliland iyo halka ay ka joogaan Soomaaliya, oo uu ku sifeeyay inay aad u kala fog yihiin, waxaanu xusay in reer Awdal ay leeyihiin Somaliland halkana ILLAAHAY ku abuuray, loona baahan yahay in bulshada Somaliland ay wax la qayb sadaan.

Gebo’gabadii Madaxwaynihii sadexaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa ugu baaqay bulshada ku nool gobolka Awdal inay nabadgelyadda ilaashadaan oo ay caruurta iyo dadka yar yar u sheegay halka laga yimi iyo halka loo socodo, loogana digo inay u dhag taagaan dadka qurbaha jooga ee aan dantooda ka shaqaynayn.