Madaxda sare iyo taliyaasha ciidamada Iran oo difaac adag galay xilli laga cabsi qabo in ….

Milatariga Israa’iil ayaa la dhoorayaa nuuca jawaab ay ka bixin doonto weerarkii dhawaan ee dhinaca cirka ah Iran ku qaaday deegaannada maamulkaasi, Israa’iil ayaana iska diiday baaqyo caalami ah oo ka codsanayay in aysan jawaab celin sameyn.

Wasiiradda dagaalka maamulka Israa’iil ayaana go’aamiyay in ay jawaab cad ka bixiyaan weerarkii Iran kusoo qaaday, waxaana wali la ogeyn nuuca jawaabta ay milatariga Israa’iil ka bixn doonto weerarkaasi.

Milatariga Iran ayaana feejignaan xooggan ugu jira weerar kasta oo jawaab celin ah oo uga yimaada Israa’iil, waxa ayna Iran adkeesay amniga goobo badan oo dalkaasi muhiim u ah, iyada oo sidoo kale la diyaariyay gantaalada difaaca hawada.

Madaxda sar sare ee dowladda Iran qaarkood iyo taliyayaasha ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran ayaa weli ku jira xaalad feejignaan ah, tan iyo Sabtidii markii ay Iran weerar aan horey loo arag ku qaaday Israa’iil,

Warar soo baxaya ayaana sheegaya in madaxda Iran iyo taliyaasha sar sare qaarkood ay ku jiraan guryo ammaan ah iyo goobo kale oo kuyaalla dhulka hoostiisa ah,si ay uga bad baadaan weerar kasta oo Israa’iil uga yimaada.

Xiisada u dhaxeysa Israa’iil iyo Iran ayaana laga cabsi qabaa in ay sii xoogeesato haddii ay Israa’iil weerar jawaab celin ah qaado, waxaana jira baaqyo caalami ah oo looga digayo in dagaal iyo xiisad hor leh ka qaraxdo Bariga Dhaxe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –