Madaxda DFS iyo kuwa dowlad goboleedyada oo kala shakiyay iyo Shirkii loo ballansanaa oo…

Waxaa maanta baaqday shirkii Golaha Wadatashiga Qaran uu iclaamiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, waxa ayna xukuumadda sheegtay in shirkaasi u baaqday kaliya cilado farsamo aan la shaacin.

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in shirkan dib u dhaca ku yimid, kaddib markii uu kala shaki iyo is-faham darro soo kala dhax galay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Shirkan ayaana diirada lagu saari lahaa arrimo ay kamid yihiin amniga dalka, wax ka bedelkii Dastuura iyo sidoo kale doorashada la filayo in ay ka dhacdo dowlad goboleedyada iyo mida Federaalka.

Madaxda dalka ugu sarreeya ayaa wararku sheegaaan in ay wadaan qorshe mar kale waqtiga loogu dheereenayo madaxda dowlad goboleedyada dalka oo badankood dhammaaday muddo xileedkii rasmiga, taas io shaki cusub abuurtay.

Sida aan xogaha ku heleyno madaxda dowlad goboleedyada qaar ayaa diidan in muddo kororsi hor leh loo sameeyo, taas oo dowladda rabto si iyana muddo kororsi u sameestaan Xasan Sheekh iyo Baarlamaanka hadda jira .

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xogaha sheegayaan in wadahadallo hoose la yeelanayo madaxda dowlad goboleedyada ee wajiga cusub lasoo baxay kahor shirka inta uusan furmin, si uu ugu qanciyo qabsoomidda shirka iyo arrimaha looga hadlayo.

Madaxda DFS ayaa ka cabsi qaba in gacantooda ka baxaan qaar kale oo kamid ah madaxda dowlad goboleedyada lana sameestaan Puntland isbaheysi, taa oo caqabd ku noqon karta DFS kuna sii kordhin karta culees siyaasadeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xilli hore kasii shaqeenaya sidii muddo kororsi u sameysan lahaa, waxa uuna waqti iyo qarsh ku bixiyay wax ka bedelka Dastuurka ah oo ah dhabaha loo marayo muddo kororsiga.

– Advertisement –