Lix Madaxweyne kaliya oo ka qeyb galay Shirka Ururka OIC iyo madax badan oo baaqatay

Magaalada Banjul ee caasimadda dalka Gambia waxaa ka socda shir madaxdeeda Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC, kaa oo saddexdii sanaba mar la qabto ayna isugu yimaadaan madaxda waddamada Islaamka.

Shirkan ka socda dalka Gambia ayaa la filayay in ay ka qeyb galaan in badan oo kamid ah madaxda dalalka Islaamka, hasa ahaatee madaxweynayaal badan ayaa shirkan ka baaqday, iyagoona badalkooda diray wakiillo shirkaasi ku matalayay.

Inta la ogyahay ilaa 51 hoggaamiye ayaa ka baaqsaday tagista shirka madaxda dalalka Islaamka oo saddexdii sanaba hal mar la qabto, iyadoo ay 57 Waddan ku bahoobeen Ururkaasi oo la asaasay bishii September 25-dii ee sanadkii 1969-kii.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kamid ah madaxda dalalka ku bahoobay ururka OIC ee baaqsaday shirka, waxaana Madaxweynaha shirkaasi ku mataelaya Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac.

Shirka OIC madaxweynayaasha kaliya ee xaadiray ayaa kala ah

1- Madaxweynaha dalka Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle,

2- Madaxweynaha dalka Sudan, C/Fataax Al-Burhan C/Raxmaan Al-Burhan,

3- Madaxweynaha dalka Senegal, Bassirou Diomaye Faye,

4- Madaxweynaha dalka Sierra Leone, Julius Maada Bio,

5- Madaxweynaha dalka Mauritania, Maxamed Walad Sheekh Xhezouani,

6- Madaxweynaha dalka Gini Bisaaw, Umaro Sisoko Embalo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –