Liiska 10-ka Xiddig Ee Kama Dambaysta Ah Ee Xiddigaha U Tartami Doona Abaalmarinta Wiilka Dahabiga Ah Oo La Soo Saaray

Waxa la soo saaray 10-ka xiddig ee kama dambaysta ah ee u tartami doona Abaalmarinta wiilka dahabiga ah ee Golden Boy 20222.

Waxa Liiska isugu soo hadhay 10 xiddig kuwaas oo laga soo dhex xushay 22 xiddig kuwaas oo ahaa Liiska hordhaca ah ee xiddigaha u tartami doona Abaalmarinta.

Waxa Liiska isugu soo hadhay xiddigaha wacdaraha ka dhigay horyaada yurub sanadkan isla markaas soo bandhigay qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay.

Liiska waxa ku jira xiddigo magac ku leh qaarada yurub kuwaas oo is muujiyay intii uu socday sanadkan soona bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Kooxda Barcelona ayaa Liiska ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 3 xiddig kuwaas oo u tartamaya abaalmarinta.

Kooxaha Borussia Dortmund, Real Madrid iyo Bayern Munich ayaa dhinaceeda ku leh liiska min 2 xiddig halka ay kooxaha  Real Madrid, RB Leipzig iyo Real Madrid ku leeyihiin min hal xiddig.

Hadaba halkan hoose kaga bogo Liiska 10-ka xiddig ee da’yarka ah ee isugu soo hadhay tatranka baaalmarinta wiilka dahabiga ah ee Golden Boy 2022.