Ku dhawaad 50 xubnood oo ka tirsan Al-dhabaab oo lagu dilay Shabeellaha Dhexe

Ciidamada xoogga dalka, Nabadsugida Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ee taageera ayaa howlgal ka dhan ahaa Al-shabaab ka fuliyay tuulada Dhagaxow oo u dhow deegaanka Xawaadlay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu dilay 49 katirsan Ururka Al-Shabaab oo waday qorsho ay isku abaabulayeen, xilli ay ku sugnaayeen dhulbeereedka Sheekh Qaasim ee tuulada Dhagaxow.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa warka kasoo baxay waxaa lagu sheegay in howlgalka lagu soo celiyay Gaadiid dagaal oo ay horay u qaateen kuwaas oo uu ku jiro Gaari uu saaranyahay qoriga Zuu-ga, sidoo kale howlgalka lagu burburiyay Gaadiid dagaal iyo saanad ciidan.

Hal askari oo ka tirsan ciidanka dowladda ayaa ku dhintay inta uu socday howlgalka, waxaa sidoo kale dhaawac uu soo gaaray  saddex kale oo ka tirsan ciidamada” sida lagu sheegay warka ka soo baxay dowladda.

Warkaan ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa kus oo aadaya xilli dhawaan ay Al-shabaab weerar ku qaadeen saldhigyada ciidamada dowladda ku leeyihiin degaanka Xawaadleey, waxaana weerarkaas lagu dilay Taliyihii Guutada 3-aad Qaybta 27-aad ee Millatariga Soomaaliya Kornayl Abshir Maxmuud Maxamed (Shataqeey).

PUNTLAND POST