Koox Si Lama Filaan Ah Ugu Dhaqaaqaysa Saxiixa Cristiano Ronaldo Oo La Ogaaday.

Galatasaray ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarineyso inay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda Man United ee Cristiano Ronaldo suuqa kala iibsiga January.

Mustaqbalka 37-sano jirkaan ayaa mar kale su’aal la gelinayaa, iyadoo Red Devils la rumeysan yahay inay u ogolaaneyso inuu ka tago kooxda suuqa January.

Ronaldo ayaa ku dhibtoonaya in uu boos joogto ah ka helo kooxda Man United xilli ciyaareedkan isaga oo kaliya ku bilowday kulan oo premier League ah.

Sida laga soo xigtay Fotomac, Galatasaray ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa Ronaldo suuqa January iyaga oo diyaarinaya dalab ay kula soo wareegayaan xiddiga.

Madaxweynaha Galatasaray ayaa haatanba lagu soo waramayaa in uu wadahadalo la qaatay wakiilada xiddiga si ay ugu qanciyaan in uu ku biiro kooxdooda.

Kooxda reer Turkey ayaan Ronaldo ka caawin karin in uu ka ciyaaro tartanka champions League maadama ay kaalinta 13-aad ku dhamaysteen horyaalkooda xilli ciyaareedkii hore.