Kolombiya oo xiriirka u jartay Israa’iil

Published: May 2, 2024

Madaxweyne Gustavo Petro ayaa arrintan ku dhawaaqay xuska maalinta shaqaalaha adduunka 1da May oo Arbacadii shalay laga xusay magaalada Bogota ee caasimadda dalkaasi.

Madaxweynaha Kolombiya ayaa ku tilmaamay xukuumada Israel mid xasuuq ka wada Gaza, isagoo sheegay inaysan ogolaan doonin in iyagoo soo jeeda xasuuq lala beegsado shacabka Falastiin oo adduunka laga tirtiro.

Dalka Kolombiya ayaa dhawaan sheegtay inay dooneyso inay ku biirto kiiska dowlada Koonfur Afrika ka gudbisay Israel ee xasuuqa oo hada horyaal Maxkamada Adduunka ee ICJ. Dalkan ayaa sidoo kale noqonaya wadankii sadexaad ee dalalka Latinka ee xiriirka u jara Israel.

Wadamada Bolivia iyo Belize ayaa sanadkii hore xiriirka u jaray Israel kadib markii uu bilowday duulaanka Gaza.

Horseed Media