Karolina Shiino: Miss Japan oo u dhalatay Ukraine ayaa iska dhiibtay taajkii

Gabadh haysata dhalashada dalka Japan oo u dhalatay dalka Ukraine oo hore ugu guuleysatay tartanka quruxda Miss Japan ayaa ka tanaasushay taajkeedii ka dib markii warbixin la soo daabacay ay shaaca ka qaaday xidhiidhka ay la leedahay nin guri leh.

Karolina Shiino, oo 26 jir ah, waxa loo caleemo saaray quruxda dalka Japan Miss Japan laba toddobaad ka hor, laakiin guusheeda waxay dhalisay dood dadweyne oo ku saabsan dhalashadeeda.

Dadka qaar ayaa soo dhaweeyey dhalashada muwaadinka ee ay qaadatay, qaar kalena waxay sheegeen in aanay matalin fikradaha quruxda dhaqameed ee Japan.

Iyada oo xaalladu halkaa marayso ayaa majalad maxalli ah ayaa daabacday war muujinaya arrinta xidhiidhka galmo ee ay la samaysay ninkaa ka sheegay.

Maqaalka lagu daabacay Shukan Bunshuun ayaa lagu sheegay in Ms Shiino ay xidhiidh la yeelatay nin xaas leh oo dhakhtar ah. Ninka xidhiidhka sameeyey ayaan wax faallo ah ka bixin warka warbaahinta.

Jawaabtii ugu horreysay ee warbixinta todobaadkii hore, qabanqaabiyeyaasha tartanka ayaa difaacay Ms Shiino, iyaga oo sheegay in aanay ogeyn in ninku uu guursaday iyo in kale.

Si kastaba ha ahaatee Isniintii, qabanqaabiyeyaasha ayaa sheegay in Ms Shiino ay qiratay inay wax ka ogaayeen guurka iyo qoyska ninka.

Waxay raaligelin ka bixisay waxa ay samaysay qabanqaabiyeyaasha ayaa iyaguna aqbalay istiqaaladeeda ka tanaasulida Taajka.

Ms Shiino ayaa sidoo kale raali gelin siisay taageerayaasheeda iyo guud ahaan shacabka hadal ay soo saartay Isniintii, waxaanay sheegtay inay tallaabadan ka jawaabayso warbixinta iyo marin habaabinteeda.

“Runtii aad ayaan uga xumahay dhibaatada baaxadda leh ee aan geystay iyo in aan khiyaamay kuwii i taageeray,” ayay tidhi.

Magaca Miss Japan ayaa hadda bannaanaan doona inta ka hadhsan sanadka, inkasta oo ay jireen dhowr orod oo soo baxay.

Tartanka ayaa lagu caleemo saaray Ms Shiino 22-kii January – qofkii ugu horreeyay ee asal ahaan ka soo jeeda Yurub ee la guddoonsiiyo. Waxay ku dhalatay Ukraine ka hor intaanay hooyadeed u guurin Japan markay shan jir ahayd oo ay qaadatay magaca awoowgeed ee Japan.

Waxay ku hadashaa oo ay si fiican u qortaa Jabbaan waxayna noqotay muwaadin la qaatay 2022.

Markii loo caleema saaray Taajka Mss Japan, ayay hadashay waxay tidhi: “Hore la iima aqbalin in aan ahay Jabbaan marar badan, laakiin waxa aan aad uga mahadcelinayaa in maanta Japan la ii aqoonsaday.”