Israel oo ku goodisay iney qaadeyso talaabo adag oo ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen

Israa’iil waxay diyaar u tahay inay tallaabo ka qaaddo dadaallada ay fallaagada Xuutiyiinta Yemen ku doonayaan inay ku carqaladeeyaan maraakiibta badda cas, haddii beesha caalamku ay ku guul-darreysato inay wax ka qabato sida uu sheegay La-taliyaha Amniga Qaranka Israa’iil Tzachi Hanegbi.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo sidoo kale hoggaamiyeyaasha Yurub kala hadlay in Xuutiyiinta ay beegsadaan maraakiibta ganacsiga ee u socda ama ka soo baxay Israel

“Israa’iil waxay siinaysaa aduunka waqti ay isku abaabulaan si ay tan uga hortagto, laakiin haddii aysan jirin talaabo caalami ah, waxaan sameyn doonaa si aan meesha uga saarno go’doominta badda,” ayuu yiri Hanegbi.

Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iran ayaa ah urur siyaasadeed iyo mid milatari oo Shiico ah oo dagaal sokeeye kula jira xulafada uu Sucuudigu taageero tan iyo sannadkii 2014-kii.

Waxaa sare u kac ku yimid dhaqdhaqaaqooda badda tan iyo weerarkii Xamaas ay ku qaadeen Israa’iil 7-dii Oktoobar.

Maraakiibta dagaalka ee Mareykanka ayaa horay u ilaalinayay maraakiibta gobolka.

Todobaadkii hore markab dagaal oo Maraykanku leeyahay waxa uu soo riday diyaarado badan oo aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo ka yimid goobaha ay Xuutiyiintu maamulaan ee Yemen ee koonfurta badda cas, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada Maraykanka. Mid ka mid ah shilalka ayaa yimid xilli weeraro xiriir ah lagu qaaday saddex markab oo kuwa ganacsiga ah.

Saraakiisha ciidamada Mareykanka ayaa sheegay inay ka fiirsanayaan inay xoojiyaan ilaalinta maraakiibta ganacsiga ee ku hareeraysan marinka babel mandeb xilli ay dhawaanahan weeraro gantaalo ah ku qaadeen dagaalyahanada Xuutiyiinta ee Yemen ka howlgala.

Mareykanka ayaa kala hadlay sidii loo xoojin lahaa ammaanka aagaas xubno ka tirsan ciidamada isku dhafka ah ee ciidamada badda, oo ah ciidamo ka kala socda dalal badan oo badda ah, loona xilsaaray ilaalinta maraakiibta ganacsiga ee badda cas.

Xuutiyiinta Yemen ayaa soo saaray hanjabaad kale oo sheegeysa in markab kasta oo ka soo baxay ama u socda dekedaha Israel ay beegsan doonaan xili ay afduub u heystaan markab ganacsi o laga leeyahay Israel.

– Advertisement –