Israel kuma qancin heshiiska xabad joojinta ee ay Xamaas ogolaatay (Reuters)

Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa sheegtay inaysan Israa’iil ku qancin heshiiska ay aqbashay Xamaas oo sarkaal Israa’iili ah uu ku sheegay inuu yahay mid ay diyaarisay Masar oo u xaglinaya Xamaas, dhinaca Israa’iilna uu noqonayo mid aan ka soconayn.

Dhinaca kale, telefishinka Channel 12 iyo warbaahinta kale ee Israa’iil ayaa ku warramay inay Israa’iil heshay jawaabta Xamaas, ayna darsi doonaan heshiiska, iyagoo markaa kaddib soo saaraya jawaab rasmi ah.

Haddii heshiiska ay diiddo Israa’iil oo jawaabteeda la sugayo, waxay sii murjinaysa xaaladda iyo walaaca ay wajahayaan Falastiiniyiinta Rafah ee Israa’iil ay billowday duulaan ka dhan ah.

Telefishinka Sky News Arabia, ayaa ku warramaya inay saraakiisha Israa’iil u sheegeen inay been abuur tahay oggalaanshaha heshiiska ee Xamaas, iyagoo ku tilmaamaya ujeeddada ay ka leeyihiin inay tahay dunidda inay u muujiyaan Israa’iil inay tahay dal xun oo qallafsan’.

Falastiiniyiinta ayaa billaabay inay u dabaal-deggaan Xamaas inay oggalaatay heshiis xabbad-joojin ah , sababto ah waxay la kulmeen xaalad nolaleed oo aysan dunidda dadka ku nool wajahin muddo ka badan qarni, xilli aysan wali soo bixin jawaabta Israa’iil , oo ay soo baxayso suurtagalnimada inay diiddayso.

– Advertisement –