Israa’iil oo isu diyaarinaysa in ay weerar ku qaaddo Iran

Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa xaqiijisay in ay Israa’iil go’aansan doonto weerar ay ku qaado Iran , si ay uga jawaabaan weerarkii ay Iran ku qaaday Israa’iil.

Waaxda difaaca Mareykanka iyo afhayeenka amniga Aqalka cad ayaa si isku mid ah u sheegay in ay Israa’iil iyadu go’aan ka gaari doonto inay weerar ku qaado Iran, waxay sheegeen Mareykanka hadda inuusan diyaar u ahayn isku horimaad dhexmara Israa’iil iyo Iran inuu door ku yeesho.

Dhinaca kale Sida laga arkay natiijada kulamada wasiirrada dagaalka iyo taliyayayaasha ciidamada , si la mid ah dhaqdhaqaaqa diyaar garowga saldhigyada ciidanka cirka Israa’iil, intaaba waxay soo muujiyeen saan-saan inay dhowdahay waqtiga ay Israa’iil weerarka qaadayso.

Dowladda Iran waxay dhankeeda u diyaar garowday weerar kasta oo uga yimaada Israa’iil , waxayna ka bixin doonta jawaabta wajiga labaad oo noqonaya mid xooggan oo loo adeegsanayo hubka aan loo adeegsan weerarkii hore sida laga soo xigtay sarkaal sare oo ka tiran Iran.

PUNTLAND POST