Hooyo iyo nin dhallinyaro ah oo loo dilay lacag gaareysa 5-kun oo Shilin Soomaali ah

Waxaa maanta degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose suuq kuyaalla ka dhacday dilal argagax leh oo loo geestay dad shacab ah, waxaana dilalkaasi geestay askari katirsanaa ciidanka dowladda.

Sida aan wararka ku helnay askari katirsan ciidanka dowladda oo hooyadan ku murmeen lacag gaareysa shan kun oo Shiling Soomaali ah ayaa la sheegay in uu xabbad ku dhuftay hooyadan halkaasna ku dilay.

Xabadda hooyada ku dhacday una geeriyootay ayaa la sheegay in ay sii dhax martay oo ku dhacday labo nin oo kale oo midkood la sheegay in uu geeriyooday, halka midka kalana uu dhaawac soo gaaray.

Dilalka argagaxa leh ay dadka shacabka ah u geesanayaan askarta katirsan ciidanka dowladda ayaa maalmahan sii kordhaya, waxaana xusid mudan in ciidamada ammaanka ay inta badan qabtaan askarta iyo dadka kale ee shacabka ah ee dilalka geesta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleSacuudiga oo War kasoo saaray maalinta ciida farriina u dirtay dadka kunool dalkaasi