Hay’adda Duulista rayidka Somalia oo ka jawaabtay hadalkii ka soo yeeray Somaliland

Hay’adda Duulista rayidka ee dowlada Somalia ayaa ka jawaabtay hadalka ka soo yeeray Somaliland oo sheegtay in Soomaaliya ay si qaldan uga faa’iidaysatay gacan ku haynta Maamulka hawada dalka

Maareeyaha Hay’adda Duulista Somaliland Cumar Sayid Cabdillaahi, ayaa dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay hore u diiday in ay fuliyo heshiisyadii ahaa in labada dhinac ay wada maamulaan hawada, isla markaana dhaqaalaha ka soo xerooda la qaybsado.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ku xadgudubtay xataa duulimaadyadii rayidka ahaa, ayna hawada Somaliland ka celisay ugu yaraan labo diyaaradood waxaanu sheegay in aanay maanta kadib aqbali doonin in dowlada Soomaaliya ay farogaliso hawada Somaliland, isaga oo xusay in ay dacwad u gudbiyeen Qaramada Midoobay.

Hay’adda Duulista rayidka ee dowlada Somalia oo jawaab dadban ka bixisay hadalka Somaliland ayaa soo saartay caawa War saxaafadeedka hoos ku qoran:

War-saxaafadeed

Muqdishu, February 13, 2024-Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay shacabka Soomaaliyeed ku wargelinaysaa in aysan waxba iska beddelin mid ahaanta iyo maamulka hawada Soomaaliya, ayna masuul ka tahay Dawladda Federaalka Soomaaliya. Hawada dalkeennu waxay leedahay magac soo jireen ah kaas oo la isticmaali jiray laga soo billaabi 1960; “MOGADISHU FLIGHT INFORMATION REGION (FIR).”

Diyaaradaha mara hawada dalkeenna waxay helaan mid kamid ah adeegyada ugu badqabka sarreeya adduunka, taas oo keentay in hawada Soomaaliya  si heer caalami ah loogu aqoonsado heerka ugu sarreeya ee “Class-A Airspace.”

—Dhammaad-

– Advertisement –