Halkee Ayay Laascaanood U Socotaa Isbeddel Kaddib?

“Xaaladda Laascaanood waxay wax badan la wadaagtaa Muqdisho 1991-2006. Oday dhaqameed ma soo afjarin qabqablayaashii dadka Xamar dhuunta u galay.”

Garaad Jaamac Garaad Cali (bidix) iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil (midig) waa inay caddeeyaan in isbeddelka Laascaanood ka dhacay uusan noqon karin waddo loo maro boobista metelaadda siyaasadeed ee Sool.

Laascaanood (Warbixin PP) —  Magaalada Laascaanood aad ayay uga duwan sidii ay ahayd laba bilood ka hor markii aan booqanay. Waa magaalo isbeddel siyaasadeed uu ka dhacay, isbeddel siyaasadeed aan la filaynin bil ka hor markii la dilay siyaasi magaalada u dhashay. Cabburintii ciidammo beeleedka Somaliland iyo caaglayaashoodu isku dayeen inay ku sameeyaan dadka bannaanbaxayay may suurtagalin kala daadasho ku timid maleeshiyadii daacadda u ahayd maamulka awgeed.  Waxa kale oo kala xiriir-furtay maleeshiyadii Galbeedka iyo Koonfurta Laascaanood oo la aamminsanaa inay kuwa martigelinayay ciidan beeleedka Somaliland. Haddii ciidammo beeleedka Somaliland aan magaalada laga saari lahayn hal habeen Bishan dadka ciidammadaas kala goynta Soomaaliya doonaya ay dilaan way badan lahaayeen.

Caaglayaal Muqleysan

Dadkii u shaqaynayay maamulka Somaliland (loo yaqaanno Horgaleyaal) laguma arko magaalada hadda; waxay ka cabsanayaan in dad hubeysan ay ku soo qamaamaan. Gebi ahaanba magaaladu ma laha maamul. Isku day maleeshiyada Mahad Cambaashe samaysay laba toddobaad ka hor si ay magaalada u dhexmaraan iyaga oo iska dhigaya kuwo amniga dhowraya ma suurtagalin. Waxay ka cabsadeen in ciidammo hubeysan ay soo weeraraan baabuurta ay saaran yihiin maleeshiyada fadhiisinkoodu yahay Galbeedka Laascaaanood.  Cambaashe wuxuu qirtay inuu  isagu ka dambeeyay dadkii Laascaanood ciidammo beeleedka Somaliland ku laayeen, ciidankaas oo uu u yaqaanno “ciidanka barakaysan.”

Ku go’doonsanaanta caaglaayaasha ay ku go’doonsan yihiin Galbeedka Laascaanood oo ku dhowaad laba sano ka hor billaabatay waxaa keenay dilalka qorsheysan lagu beegsaday dad  sheegan jiray inay maamulka Hargeysa la shaqeeyaan (xubno gole deegaan, garsooreyaal, sirddoon ku sheeg, caagleyaal ‘maleeshiyo beeleed lacag lagu siiyo hoostagta caagleyaal sare oo kala duwan’).

Cabdirisaaq Khaliif, Guddoomiyaha  Aqalka Wakiillada Maamulka Somaliland oo toddobaadkii hore ergo ugu yimid oday dhaqameedyada Sool wuxuu sheegay “in Somaliland maamul Laascaanood xukuma isu aragto”. “Yaad adigu meteshaa?” buu oday dhaqameed reer Sool ahi  su’aalay Cabdirisaaq. “Farriin uun baan waday” buu ku warceliyay.  Cabdirisaaq waa siyaasiga keliya oo uu maamulka Somaliland isku hallaynayay inuu Laascaanood dib ugu soo celiyo gacanta Hargeysa. “Waxaa la ii arkaa inaan u doodayo maleeshiyo beeleed aannu isku hayb nahay” buu u sheegay Maxamed Kaahin, Wasiirka Arrimmaha Gudaha ee maamulka Somalilad.

Loollan siyaasadeed

Magaalada Laascaanood waxaa ka socda loollan siyaasadeed ay madax-dhaqameedku ku doonayaan inay awoodda siyaasadda Laascaanood ku qabsadaan. Odayaasha qaarkood ayaa aamminsan in maamulkii dadka Laascaanood metela uu dhisan yahay. Waxay ka wadaan maamulkii Khaatumo, waana mowqif sababi kara kala fogaansho weyn waayo maamulkii Khaatumo wuxuu heshiis la galay  maamulka isu yaqaanna Jamhuuriyadda Somaliland. Dhowr Garaad waxay aamminsan yihiin in talada koox gaar ah aysan hororsan.

“Xaaladda Laascaanood waxay wax badan la wadaagtaa Muqdisho 1991-2006.  Oday dhaqameed ma soo afjarin qabqablayaashii dadka Xamar dhuunta u galay” ayuu yiri nin ganacsade ah. “Ma jirto beel ay oday dhaqameed hoggaamiyaan. Halis weyn baa jirta in dad gaar ahi ay sheegtaan inay yihiin hoggaanka siyaasadeed ee Sool” ayuu ku daray.

“Heer federaal Puntland baa sharciyad metelaad haysata. Waa inaynu kala hadalno aayaha metelaadda Sool kaddib markaannu meel wax isla dhigno” ayuu Puntland Post u sheegay siyaasi hawlgab ah oo ku sugan Laascaanood.

Wadaaddo Laascaanood ku sugan ayaa ka digay in qof gaar ah uu sheegto awoodo gaar ama metelaad beeleed. “Metelaad aan jirin waxaa wixii Somaliland Laascaanood ay ku joogtay. Waddadaas dib uguma noqon karno” ayuu yiri wadaad ku sugnaa Masjid Jaamaca Laascaanood.

Halis dagaal

Maamulka Somaliland weli kama quusan rajadiisa inuu Laascaanood maamulo laakiin wuxuu, sida ay xeeldheerayaal milatari aamminsan yihiin, “in Hargeusa ay daawanayso  loollanka siyaasadeed ka socda Laascaanood, jeclaan lahaydna inuu isu beddelo mid hubeysan si ay ugu andacoodaan inay nabadda dhowrayaan”. Ma helayaan maleehiiyo sidii 2007 Oktoobar si fudud u soo gelisa magaaalada laakiin waxay aad ugu tashanayaan Mahad Cambaashe oo, inkastoo marnaba uusan ku yeelan doonin Laascaanood awoodihiisii hore, rajaynaya inuu mar kale magaaalada ku amar-kutaagleeyo.  

Culeyska ugu badan wuxuu saaran yahay Yaasiin Faratoon, oo dalka Biritaun hawlgab ku ah, sheegta inuu yahay xildhibaan Laascaanood uga mid ah Aqalka Wakiillada Somaliland. Wuxuu doonayaa in maleeshiyo beeleedka (caaglayaasha) uu 2003kii sameeyay ay Laascaanood sii joogaan iyagoo dugsanaya ciidan beeleedka Somaliland. In caaglayaasha Mahad Cambaashe hoggaamiyo awood mar kale yeeshaan waxaa hortaagaan isbeddelka Laascaanood ka dhacay dhowr toddobaad ka hor  markii ciidammo beeleedka Somaliland laga saaray Laascaanood. Hadda wuxuu Mahad Cambaashe kala dooranayaaa inuu isbeddelka sii taageero ama inuu dagaal u diyaargaroobo maaddaama aysan caaglayaashiisu mar kale magaalada awood ku yeelan doonin.

“Xal waxaa laga doonayaa Cabdirisaaq Khaliif iyo Faratoon oo dhulka beeshoodu degto hada fadhiisin u yahay ciidan beeleedka Somaliland. Ciidanka markii hore loo keenay in beelaha kale ee Sool lagu cabsiiyo ayaa hadda gebi ahaanba halis ki haya beesha raalliga ka noqotay inay yimaadaan ilaa Tukaraq.  Dad badan ayaa qaba in xal siyaasaded uun ciidan beeleedka Somaliland looga saari karo Sool waayo hadda dabin bay ku jiraan. Siyaasi kale ayaa sheegay in “Caaglayashii ay isku halaynayeen kala daateen”. Caagle hore oo koonfurta Sool ku sugan ayaa sheegay in “Cabdirisaaq Khaliif iyo Yaasiin Faratoon aysan lahayn ujeeddo aan ahayn in ay dib u soo nooleeyaan caaglayasha beeshooda. Taasi ma dhaceyso, waxay caaglayaashu mareen meeshii caaglayaashii Xaabsade iyo kooxdiisii mareen.”  Dad badan ayaa qaba in dagaal uu keenayo xal waayo, “dad kala mabda’ ah magaalo kuma wada noolaan karaan. Ciidammo si fudud Sool ku yimid waxay u badan tahay inay baxaan dhiig badan oo daata kaddib iyo dagaal sokeeye oo Waqooyiga ka qarxa.

Mowqif Siyaasadeedka Madax-dhaqameedka Sool

Madax-dhaqameedka Sool qaarkood ayaa soo jeediyay in la dhowro metelaadda siyaasadeed ee Sool heer federaal hadda jirta inta wadatashi guud la iskugu imanayo. “Waa inaannu caddayno oo keliya in Laascaanood aan lagu qasbi karin mabda’a kala goynta Soomaaliya, uguna baaqno dowladda federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka in aynan colaad kula jirin gobol kale, necbeyn dad Soomaaliyeed” ayuu yiri oday ka mid ah guddiga dhowr iyo soddonka qof loo saaray abaabulka wadatashiyada.

Laascaanood muddo dheer furin ayay si dadban u ahayd, laakiin hadda si rasmi ah ayay furin u noqotay. Xalka Laascaanood wuxuu ka imanayaa dadka magaalada dega oo qaarkood markii hore isku dayay inay heshiis la galaan Somaliland (SSC iyo Khaatumo) si Hargeysa ay ugu aqoonsato inay iyagu haystaan xaqa metelaadda siyaasadeed, laakiin Hargeysa waxay sii maalgelisay caaglayaasha degmada oo 2018kii u diiday Cali Khaliif Galaydh inuu magaalada joogo  isagoo sheeganaya Madaxweynaha Khaatumo.

Ma jirto koox si gaar ah u sheegan karta isbeddelka Laascaanood ka dhacay laakiin waxaa jira kooxo raba inay isbeddelka ka dhigtaan gaadiid siyaasadeed iyagoo og in magaaladu qarka u saaran tahay dagaal waayo xaalka caaglayaashu waa dawaco meesha ay macal ku baratay ayay macaluul ugu dhimataa.  Way isa soo miidaamin karaan sida Al-shabaab.

© Puntland Post, 2023.