Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo Foolxumo weyn ku tilmaamay go’aankii golaha Guurtida

Xisbiga mucaaradka Waddani ayaa si weyn uga hor yimid go’aankii golaha guurtida Somaliland muddo kordhin labo sanno ah ugu sameeyeen Madaxweynaha waqtiga ka dhacay ee Muuse Biixi Cabdi .

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo warbaahinta maanta la hadlay ayaa fool xumo iyo ceeb weyn ku tilmaamay go’aankii golaha guurtida waqtiga ugu dareen Muuse Biixi, sidoo kale iyaguna muddo kordhin 5-sanno ah ku sameesteen.

Mr Cirro ayaa sheegay in go’aanka muddo kororsiga cirka u laalay rejadii ay ka qabeyn in dowlad madax banaan loo aqoonsado Somaliland, waxa uuna ku eedeeyay Muuse Biixi in uu u bareeray sharci darro iyo dastuur jabin.

”Shalay Jamhuuriyadda Somaliland waxaa ka dhacay foolxumadii ugu weyned ee ina soo martay intii aynu qaadannay nidaamkan Axsaabta badan, waxaa god madow lagu hubsaday oo gabal baas u dumay nidaamkii dimuqraadiyadda & doorashooyinka ku dhisnaa, waxaa la xabaalay kalsoonidii Shacabka iyo doonistii dadweynaha, waxa cirka lagu laalay rejadii ictiraafka Somaliland, waxaa jar iyo meel daran laga tuuray nidaamkii wada-tashiga iyo isla oggol-ka ku dhisnaa, waxaa Madaxweynuhu u badheedhay sharci darro, Dastuur jabin iyo jar-iska xoornimo.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ayaa sheegay in golaha Guurtida Somaliland halkii uu xaaladda cakiran ka dejin lahaayeen noqdeen kuwa uga daray oo batrool ku shubay, waxa uuna cadeeyay in xaaladii cakirneed go’aankan cusub uga sii daray.

Hadalkan kasoo yeeray xisbiga mucaaradka ee Waddani ayaa kusoo aadaya xilli shalay golaha guurytida Somaliland soo saareen go’aan muddo labo sanno ah ugu dareen Madaxweyne Biixi halka iyaguna shan sanno ku darsadeed muddo xiloodkooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –