Golaha Wasiirada Soomaaliya oo meelmariyay hindise sharciyeedka dhawrista maal-gashadatada iyo maal-gashiga

Kulan ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada Soomaaliya oo shir guddoomiyey ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Saalax Axmed Jaamac ayaa lagu ansixiyey hindise sharciyeedka dhawrista maal-gashadatada iyo maal-gashiga.

Golaha Wasiiradda ayaa sidoo kale meel mariyey heshiiska is af-garad ee iskaashiga Tiknoolajiyadda iyo Boostada ee dhawaan ay wada gaareen Dowladaha Soomaaliya iyo Masar, kaas oo la sheegay in uu qayb wayn ka qaadan doono dib u dhiska hay’adaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Dhinaca kale wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladihii ugu danbeeyey ee amniga iyo howlgallada la dagaalanka Al-shabaab, waxaana Goluhu boggaadiyeen howlgalladii ee maalmihii ugu dambeeyay ka dhacay qaar ka mid ah gobollada dalka.

Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Deegaanka iyo Isbeddalka Cimilada ayaa iyaguna golaha Wasiiradda u qaybiyey siyaasadda qaran ee maaraynta deegaanka, hindise sharciyeedka maaraynta deegaanka iyo heshiiska aasaasidda ciidamada heeganka ee Bariga Afrika.

PUNTLAND POST