Gaza: Tiradda Dhimashada oo kor u dhaaftay 25.000

Published: January 21, 2024

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa Axaddii sheegtay in tirada dhimashada ay kor u dhaaftay 25,000 iyadoo Israa’iil ay kordhisay weerarkeeda deegaanada koonfureed iyo duqeymaha waqooyiga.

Duqeymaha aan kala joogsiga lahayn ee Israa’iil iyo weerarka dhulka ayaa lagu dilay ugu yaraan 25,105 qof oo u badan haween iyo carruur, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.

Xamaas ayaa sidoo kale gacanta ku dhigtay ilaa 250 lahaysteyaal ah intii lagu jiray weeraradii Oktoobar.

Israa’iil ayaa sheegtay in ku dhawaad 132 dadkaas laga heysto ay ku harsan yihiin Qaza, halka ugu yaraan 27 ka mid ah la rumeysan yahay in ay ku dhinteen duqeynta Israel ku wado dhulkaasi.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin ayaa sheegtay in ilaa 1.7 milyan oo qof ay ku barakaceen Qaza, iyadoo ilaa hal milyan ay buux dhaafiyeen deegaanka Rafah.

Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa ka digay in gargaar wanaagsan degdeg ah loo baahan yahay, maadaama dadka barakacay ay macluul iyo cudurro ay qarka u saaran yihiin.

Horseed Media