Faahfaahin: Macalin Dugsi Quraan & dhaqtar la dhashay oo lagu dilay degaan hoos Tga Dhuusamareb

Kooxo hubeysan ayaa degaan u dhow Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ku dilay Macalin Dugsi Qur’aan iyo Walaalkiis oo dhaqtar ahaa.

Macalin Liibaan Xasan Cusmaan iyo Dr. Axmed Xassan Cusmaan oo walaalo ahaa ayaa raggan hubeysan waxay ku dileen degaanka lix oo u dhow degaanka Ceeldheere oo ku yaalla inta u dhaxeysa Magaalada Dhuusamareeb iyo degmada Guriceel.

Maleeshiyaadka dilka u geystay labada Dhalinyarada ah ayaa goobta ka baxsaday, waxaana la sheegay in dilkan uu salka ku haayo dilal aanooyin qabiil ah oo muddooyinkii la soo dhaafay ka taagnaa degaano katirsan gobolka Galgaduud.

Ciidamo katirsan kuwa laamaha Amniga Galmuudg oo ka kala tegay Magaalada Dhuusamareebn iyo degmada Guriceel ayaa gaaray halka uu dilka ka dhacay, kuwaasoo wada howlgallo ay ku baadi goobayaan kooxihii dilka geystay.

Waxaa dilkan argagaxa leh ka hadlay Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya kaasoo soo saaray qoraal sidan hoose ku bilowday.

Allaha u naxariisto Dr Axmad Xasan Cismaan iyo Walaalkiis Macallin Liibaan Xasan Cismaan oo loo dilay aano qabiil. Dr Axmad degmada Buuhoodle ayuu si nabad iyo badqab leh kaga shaqaynsanayey, markii se uu damcay in degaankii uu ka soo jeeday soo booqdo ayaa kuwo ay isku qabiil yihiin, laakiin kala jufo hoose yihiin aano qabiil isaga iyo walaalkii oo macallin quraan ahaa ku dileen duleedka Guriceel.

Mudug iyo Galgaduud waa deegaano si fool xun oo nacasnimo iyo arxan dari leh aano qabiil la isugu dilo, maalmahanse waxay ku badnayd deegannada Dhuusamareeb, Guriceel iyo Matabaan, taasoo muujinaysa hoos u dhac ku yimid kaalintii dhaqanka iyo waxgaradka degaankaaas.

Maamulka degaanka iyo hay’adaha amniga waa in ay gacanta ku soo dhigaan gacan ku dhiiglayaasha. Ugaaska, odayaasha dhaqanka iyo bulshaduna waa in ay si wadajir ah ugu istaagaan sidii dhaqanka foosha xun ee aano isku dilka looga hor tagi lahaa

– Advertisement –