Erdogan oo ka sheegay banaanbax lagu taageerayey Falastiin: Israa’iil waa Gumeysi, dambiyo dagaal wada!

Published: October 28, 2023

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa boqolaal kun oo taageerayaashiisa ah kula hadlay mid ka mid ah isu soo baxyadii ugu ballaarnaa ee lagu taageerayo Falastiiniyiinta tan iyo markii uu bilowday dagaalka Israel iyo Xamaas, wuxuuna ku celceliyay in Xamaas aysan ahayn urur argagixiso.

“Israa’iil waxay si cad u geysaneysaa dambiyo dagaal muddo 22 maalmood ah, laakiin hoggaamiyeyaasha reer galbeedka xitaa uguma baaqi karaan Israa’iil xabbad joojin, iska daa in ay ka falceliyaan,” ayuu Erdogan u sheegay dadkii isugu soo baxay Istanbul, kuwaas oo lulayay calanka Falastiin.

Qudbad saacado qaadatay ayuu Erdogan sidoo kale ku celiyay in Xamaas aysan ahayn urur argagaxiso, isaga oo ku sifeeyay Israa’iil maamul Gumeysi.

“Waxaan u sheegaynaa adduunka oo dhan in Israa’iil ay tahay dambiile dagaal.” ayuu yidhi.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dalalka reer Galbeedka ay ku taageersan yihiin Israel xasuuqa ay ka wado Gaza, isla markaana tahay in lala xisaabtamo.

Maanta oo sabti ah ayey sidoo kale banaanbaxyo waaweyn ee lagu taageerayo ay ka dhaceen qaar kamid ah dalalka Yurub, sida Ingiriiska iyo Faransiiska, waxayna banaanbaxyo kale ka dhaceen dalalka Islaamka.

Horseed Media