Duqeyn lagu dilay dad iyo boqolaal neef oo Geel ah oo ka dhacday Deegaanka Mellit

Diyaaradaha dagaalka ee milatariga dowladda Sudan ayaa duqeymo culus oo dhinaca cirka ah ka fuliyay degmadda Mellit oo dhanka waqooyi kaga toosan caasimad-gobaleedka waqooyiga Darfur ee El Fasher.

Duqeynta ayaa la sheegay in lagu dilay 7-qof oo geeley ah iyo sidoo kale in ka badan 250-neef oo geel ah, waxaa sidoo kale duqeyntaasi dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen dad shacab ah iyo sidoo kale geel.

Dadka duqeynta lagu dilay iyo kuwa lagu dhaawacay ayaa la sheegay in ay ahaayeen labo qoys oo geeley ah, waxaana dadka la dilay iyo xoolaha ay wateen degmada Milloit u aadeen sidii xoolaha looga soo waraabin lahaa dooxooyin iyo harooyin halkaasi kuyaalla.

Milatariga Sudan ayaana kordhiyay duqeymaha ay ka fulinayaan degmada Millit halkaas oo bishan bartankeeda la wareegeen ciidamada gurmadka deg dega uu hoggaamiyo Jeneral Maxamed Xamdaan Dagolo .

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada milatariga Sudan iyo kuwa gurmadka deg dega ayaa galaaftay nolosha dad badan oo shacab ah , kuwaa oo ku baxay duqeymaha iyo dagaalka u dhaxeeya labada ciidan ee iska soo horjeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleWasaaradda Caafimaadka oo Daah-furtay Mashruuc cusub oo UK maalgalineyso (Sawirro)