Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay Waddo Laami ah oo laga dhisayo Dayniile (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax dhigay waddo dhex-marta degmada Dayniile gaar ahaan waaxda Oodweyne, wadadan ayaa  dhismaheeda waxaa iska kaa shanayaan dadka deegaanka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha degmada Dayniile Cabdi Shakuur Abuukar Rooble ayaa tilmaamay in dhismaha wadadaan ay muhiim u tahay isku socodka degmada ,islamarkaana ay baahi weyn u qabaan shacabka ku dhaqan waaxda Oodweyne ee degmada Dayniile.

Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) guddoomiye kuxigeenka dhinaca amniga maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhankiisa sheegay in dhismaha wadadaan ay qeyb ka noqon doonto howlaha isku tashiga ah ee lagu dhisaayo wadooyinka caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa soo dhaweeyay in bulshada ay maamulka kala qeyb-qaataan ka shaqeynta horumarka iyo dib-u-dhiska, asigoona sheegay in shirkad kasta oo ka shaqeysa dhismaha wadooyinka lagula xisaabtami doona tayada dhismaha, islamarkaana aan la dhisi karin waddo uusan ogeyn maamulka Gobolka Bananadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –