Dowladda Soomaaliya oo si rasmi ah u codsatay soo afjaridda shaqada xafiiska UNSOM

Soomaaliya ayaa si rasmi ah u codsatay joojinta shaqada xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) marka uu dhammaado maandate koodu bisha Oktoobar 2024, taasoo muujinaysa weji cusub oo waddanku la wadaagayo Qaramada Midoobay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa warqad uu u direy Xoghayaha Qaramada Midoobey u sheegay in marka la eego “tixgelin buuxda oo ku saabsan muhiimadayada istaraatiijiyadeed” dowladdu aysan raadin doonin cusboonaysiinta Qaraarka 2705 ee ogolaanaya joogitaanka UNSOM.

“Waxaan jeclaan lahayn inaan muujino sida aan uga mahadcelineyno taageerada iyo iskaashiga ay noo fidiyeen Hawlgalka Qaramada Midoobay inta uu ka howlgalayey Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warqadda. Hawlkarnimada iyo dedaalka shaqadu waxay door muhiim ah ka ciyaareen horumarinta nabadda, xasilloonida, iyo horumarka dalkeenna.

UNSOM oo la aas aasay 2013-kii ayaa bedalay xafiiskii UNPOS, waxa ay ka shaqeysay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka taageerto dadaallada nabad-dhisidda, dowlad-dhisidda, iyo dowladnimada maadaama uu dalku kasoo kabanayo colaado tobanaan sano ah. Mudnaanteeda waxaa ka mid ahaa taageeridda geeddi-socodka siyaasadda, dib-u-habaynta waaxda amniga, horumarinta dhaqaalaha, iyo isku-dubbaridka gargaarka bani’aadamnimada.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in “wadashaqeyn guul leh” oo aan la leenahay UNSOM awgeed, “waxaan aaminsanahay in hadda ay habboon tahay inaan u gudubno wejiga xiga ee iskaashigayada.” Soomaaliya waxa ay hiigsaneysaa in ay sii wado la shaqeynta QM ee ku aaddan yoolalka horumarineed ee waara ee ka baxsan bixitaanka UNSOM.

Codsigan ayaa ku baaqaya in si degdeg ah loo soo gabagabeeyo hannaanka loo baahan yahay si loo joojiyo shaqada UNSOM marka la gaaro taariikhda dhammaadka Oktoobar 2024 ee loo qorsheeyay. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa helay nuqul ka mid ah warqadda.

Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah falanqeeyayaasha gobolka ayaa ka digay in ka bixitaanka UNSOM ee degdega ah ay halis gelin karto guulihii jilicsanaa ee la gaarey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –