Dowladda Soomaaliya oo ka digtay dhibaato ka dhici karta qaar kamid ah gobolada dalka

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa soo saartay digniino ku aaddan in maalmaha soo socda in gobolada dalka qeybo kamid ah uu ka da’i karo roob sababi kara fatahaado iyo daadad.

Qoraal kasoo baxay SoDMA ayaa lagu sheegay in gobolada Jubooyinka , Gedo , Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe ay ka dhicin karaan fataahyo saameyn xooggan ku yeesha dadka iyo duunyada kunool goboladaasi.

Hay’adda ayaana ugu baaqday dadka ku dhaqan magaalooyinka iyo deegaannada laga cabsi qabo in fatahaada saameyso in ay sameeyaan feejignaan dheeri ah , si ay uga bad baadaan saameynta ka dhalan karta fatahaadyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleCiidamada Itoobiya oo nafta u keenay qaxooti reer Suudaan ah oo dalkooda usoo qaxay