Dowladda Soomaaliya oo digniin u dirtay Maraakiibta Jariifka ku haya Xeebaha Soomaaliya

Wasaaradda Kalluumeysiga dowladda federaalka Soomaaliya ayaa digniin u dirtay dhammaan shirkadaha kalluumeysiga iyo milkiilayaasha maraakiibta, iyadoo ku amartay in ay u hoggaansamaan shuruucda ku xusan sharciga kalluumeysiga federaalka Soomaaliya.

Wasaaradda kalluumaysiga Soomaaliya waxay ku sheegtay qoraal rasmi ah oo ay soo saartay in ay tallaabo ka qaadi doonto ciddii u hoggaansami weyda sharciga kalluumeysiga federaalka Soomaaliya.

“Iyadoo la raacayo qodobka 31-aad, jebinta xeerkan waxay keeni kartaa ganaax, xarig, la wareegida kalluunkii la qaatay iyo in lala wareego qalabka loo isticmaalo jariifka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda.

Wasaaraddu waxay ku boorisay dhammaan shirkadaha kalluumaysiga iyo mulkiilayaasha maraakiibta inay si adag u dhawraan xeerarka ku xusan sharciga kalluumaysiga.

PUNTLAND POST