Dowladda oo Go’aamisay magac cusub oo loogu yeerayo Al Shabaab Digniina soo saartay

War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda awqaafta iyo diinta xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in la go’aamiyay in magaca kooxda Al Shabaab hadda kaddib loo isticmaalo Khawaarij.

Wasaaradda owqaafta ayaa sidoo kale uga digtay culimada Soomaaliyeed in ay tagaan goobaha ay joogaan Al Shabaab lan macaamilaan,waxa ayna wasaaradu xustay in dambi tahay la macaamilka Al Shabaab.

Waxaa sidoo kale wasaaradda owqaafta iyo arrimaha diinta ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan oo garab istaag u muujiyaan dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaab ee ka socda gobolada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleRa’iisul Wasaare Xamse oo la kulmay Dhaqaatiir Dibadda uga timid gurmadka Qaraxii Soobe (Sawirro)