Doon ay saarnaayeen dad badan oo ku qallibantay Gaarisa iyo inta badan dadkii doonta saarnaa oo la la’yahay

Magaalada Garisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya wararka ka imaanaya ayaa sheegaya, in dad badan oo rabay in ay doon uga gudbaan wabiga Tana River la la’yahay nolol iyo geeri, kaddib markii doontii ay saarnaayeen la qallibantay.

Dadkaan ayaa marki hore kasoo baxay magaalada Nairobi, ayaa doon ka raacay deegaanka Kona Punda oo u dhow jidka isku xira magaalada Gaarisa iyo deegaanka Madogo ee gobolka Waqooyiga Bari Kenya.

Doonta qallibantay ayaa waxaa la socday dad gaaraya 43 qof, waxaana lasoo bad baadiyay dad ka badan 10 qof, halka tiro kale oo badan ilaa hadda nolol iyo geeri lagu layahay.

Ciidamo iyo dad kale oo gurmad ah ayaa gaaray halka doonta ku qalibantay, waxaana halkaasi ka socda baadigoobka dadka la la’yahay ay ku jiraan carruur iyo haween.

Goobta doonta ku gaddoontay ayaa waxaa isku darsamay daadad xooggan oo ka dhashay roobab mahiigaan ahaa oo maalmahan ka da’ayay Kenya iyo wabiga Tana oo karkaarrada jabsaday.

– Advertisement –






Previous articleUK oo maanta bilaabeysa raafka muhaajiriin loo tarxiilayo dal kuyaalla Qaarada Afrika