Dagaal xooggan oo goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Dagaal xooggan oo daqiiqado dhowr ah socday ayaa goordhaw ka dhacay aaragada degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, dagaalka ayaana u dhaxeeyay ciidamo dowladda kawada tirsan.

Sida aan wararka ku helnay dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidamada ku sugan koontaroolka Aargada Dayniile oo isugu jira booliis iyo nabad sugid iyo ciidamo kale oo katirsan milatariga Soomaaliya.

Dagaalka ayaa wararku sheegayaan in uu ka bilowday askari katirsan ciidanka milatariga oo qoray uu watay looga qaatay koontaroolka, askariga oo falkaasi ka carrooday ayaana soo watay gaari dagaal iyo ciidamo sidaasna goobta dagaalka uga bilowday.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa wararku sheegayaan in uu ka dhashay dagaalka halkaasi ka dhacay, walina si dhab ah looma oga khasaaraha inta uu la egyahya gaar ahaan kan shacabka soo gaaray.

Rasaasta ayaa hadda istaagtay, waxaana jira cabsi laga qabo in mar kale dagaallamaan labada ciidan ee is horfadhiya, waxaana socda dedaalo ay wadaan saraakiil ciidan oo xal deg deg ah loogu raadinayo dagaalka.

Goobta dagaalka ka dhacay ayaana haeyd meel mashquul badan oo ay gaadiidka iyo dadweynaha isticmaalaan, waxaa sidoo kale halkaasi ku yaallay goobo ganacsi ay ku jiraan kabaro jiidka lagu iibiyo.

Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaan wali ka hadlin dagaalkan goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho, dagaalkan ayaana imaanaya xilli muddooyinkii dambe Muqdisho ku yaraadeen isku dhacyada ciidamada dowladda kawada tirsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –