Dad badan oo loo xiray dilka Siyaasi Bate Urgessa iyo xiisad ka dhalatay dilkiisa oo taagan

Booliiska gobolka Oromada Itoobiya ayaa war ay soo saareen ku shaaciyay in la xiray dad badan oo lagu tuhmayo dilka siyaasiga mucaaradka ah ee Bate Urgessa, kaa oo xiisad siyaasadeed ka abuurtay gudaha Itoobiya.

Warka kasoo baxay booliiska Oromada ayaa lagu sheegay in dilka siyaasiga loo xiray 13-qof, mana bixin booliiska faah faahin dheeraad ah oo ku aadan dilkan oo la tuhmayo in uu yahay mid siyaasadeed.

Siyaasigan mucaaradka ah oo kasoo jeeda gobolka Oromia ayaa meydkiisa la helay Arbacadii, isaga oo la toogtay, waxa uuna dilkiisa yimid saacado kadib markii ay xireen ciidamado dowladda katirsan.

Dowladda Itooboiya ayaa loogu baaqay in baaris dhab ah ku sameyso dilka siyaasigan, waxa ayna eheladiisa iyo siyaasiyiinta mucaaradka tuhmayaan in dilka ay ka dambeyso dowladda oo ciidankeeda geesteen.

Xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay dilka siyaasigan mucaaradka ah ee katirsanaa kooxda OLF ayaa laga dareemayaa magaalada Adis Ababa iyo gobolka Oromia, waxaana jira walaac amni oo sidoo kale lasoo darsay siyaasiyiin badan oo mucaarad ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –