Ciidanka Israel oo duqeyn ay dad ku dhinteen ka geystay Koonfurta Lubnaan

Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhintay kadib markii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ay duqayn ku qaadeen baabuur marayay koonfurta Lubnaan, sida ay sheegtay warbaahinta dawladda

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israel ayaa duqayn ku qaaday baabuur marayey bartamaha magaalada koonfurta Lubnaan ee Nabatieh, waxaana ku dhintay ugu yaraan saddex qof, sida ay sheegtay warbaahinta dawladda Lubnaan ee NNA.

NNA ma aysan sheegin magacyada dadka ku dhintay duqeynta, balse ciidamada Israel ayaa CNN u sheegay inay fuliyeen weerar ay ku qaadeen “Taliye Hezbollah ka tirsan oo ku lug lahaa tiro gantaalo ah oo lagu weeraray aagagga Kiryat Shmona iyo Metula ee waqooyiga Israa’iil.

Israel waxay sheegtay in duqeyntan ay jawaab u tahay duullaanka lagu qaaday Kiryat Shmona.

Ururka Xisbullah ayaa xaqiijiyay in subaxnimadii Khamiista ay gantaallo ku garaaceen dhowr goobood oo ku yaalla waqooyiga Israa’iil. Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Israa’iil oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarrada gantaallada ah ee Xisbullah.

Hezbollah ayaan weli ka hadlin wararka sheegaya in mid ka mid ah taliyaasheeda lagu dilay duqeynta Israel, balse goor dambe oo Khamiistii ah, kooxda ayaa ku dhawaaqday inay fulisay gantaallo kale oo ay ku bartilmaameedsatay militariga Israel ee ku sugan saldhigga Meron ee Israel.

– Advertisement –






Previous articleAppeal for Nobel Prize Nomination: Dr. Hassan Sheikh Mohamud