Ceel-biyood lagu gubay gobolka Gedo iyo shacab ka badan 10 ruux oo la dilay (Sawirro)

Kooxda Al shabab ayaa lagu eedeeyey iney dad shacab ah ku leysay gobolka Gedo, ayna gubeen Ceel biyood laga qodayey gobolkaas.

Masuuliyiin ka tirsan gobolka Maamulka gobolka Gedo ayaa sheegay shacab gaaraya 12 ruux ay kooxdu ku dishay Ceel biyood laga qodayay deegaanka Gariley oo u dhaxeeya Degmooyinka Bardheere iyo Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

“Waxay gubeen gaari riig ah & agabkii kale ee ceelka lagu qodayay oo halkaas ku basbeelay” ayuu yiri sarkaal ka tirsan laamaha amaanka gobolka Gedo.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale ku waramay in Al-shabaab ay dab qabadsiisay Raggii ceelka qodayay iyo shacabkii la socday oo gaarayey 12 ruux kuwaasoo ku dhintay isla goobta.

Kacdoon ka dhan ah Al-shabaab oo ay wadaan qabaailka dega gobolada Hiiraan iyo Galgaduud oo kaashanaya ciidamada Dowlada ayaa dhowaan ka bilowday degaano ka mid ah labadaas gobol kaasoo ka dhashay caro laga qaaday Ceel-biyoodyo, xarumo isgaarsiineed, gaadiid la gubay iyo shacab la laayey oo lagu eedeeyey Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleAgaasimaha heyadda NISA: “Farxaan wuxu shahiiday isagoo xaq ku diriraaya”