Britain oo Maamulka Israel uga digtay ineysan taageeri doonin howlgalka Rafax

Xoghayaha arrimaha dibadda ee UK, David Cameron ayaa mar kale ku celiyay mowqifka UK ee ah in aysan taageeri doonin howlgalka weyn ee Israa’iil ay ka waddo Rafax “haddii uusan jirin qorshe cad oo lagu badbaadinayo nolosha dadka”.

“Ma aanan arag qorshahaas, marka duruufaha jira awgood ma taageeri doono hawlgal weyn oo ka dhaca Rafax,” ayuu yiri Cameron.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay “farqiga aasaasiga ah” ee u dhexeeya habka UK iyo Mareykanka, halkaas oo madaxweyne Joe Biden uu ka digay inuu joojin doono xoogaa hub ah oo la siiyo Israa’iil haddii uu dhaco weerar ka dhan ah Rafax.

Iyadoo ay sii socdaan duqeymaha diyaaradaha Israa’iil ay ka gaysanayaan Marinka Rafax ayaa waxaa halkaa isaga barakacay tan iyo Isniintii dad lagu qiyaasay 80,000 oo qof sida ay sheegtay hay’adda qaxootiga Falastiin u qaabilsan Qaramada Midoobey.

“Dadku waxay wajahayaan barakac kale,” ayaa lagu yiri warbixinta ka soo baxday, “UNRWA.

Waxaa intaa lagu daray “Dhibka soo gaaray qoysaskan ayaa ah mid aan loo adkeysan karin, meel ammaan ah ma jirto, waxaan hadda u baahanahay xabbad joojin.”.

Horey in ka badan hal malyan oo barakacayaal ah oo reer Falastiin ah oo kala bar dadkaa ka mid ah ay yihiin carruur ayaa Rafax hooy u ahayd.

Milatariga Israa’iil ayaa horey dadka ugu sheegay in ay halkaa isaga baxaan maadaama ay qorsheynayaan weerar dhulka ah oo Rafax ay ku qaadaan.

– Advertisement –