Boqorka dalka Morocco oo marti-qaad u soo diray Madaxweynaha Soomaaliya

Boqorka dalka Morocco ayaa marti-qaad u soo diray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wakaaladda Rasmiga ah ee Wararka u faafisa dowladda Soomaaliya ee SONNA ayaa saaka tebisay warkaas.

Wasiirka Dhallinyarada, Dhaqanka iyo Isgaarsiinta Boqortooyada Morocco ayaa warqadda Marti-qaadka soo gaarsiiyay Madaxweynaha Soomaaliya.

Wasiirka Dhallinyarada, dhaqanka iyo Isgaarsiinta Boqortooyada Morocco ayaa sidoo kale la kulmay dhallinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya.

PUNTLAND POST